Balcad Community Centre
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Balcad Community Centre, Youth Organization, W Balcad, Balcad.
Balcad Community is youth non Governmental Organization play a critical part in developing society, improving community and Social movements "Let's Make Our District Better Together"
"Balcad Together As One"
οΏ½οΏ½ We Love Our Country Somalia οΏ½οΏ½
π£οΈ Mogadishu β‘οΈ Balcad Highway π£οΈπΈπ΄β¨
Waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad. π΄πβ€οΈπΏ
Share.
30/01/2026
πππ₯πππ ππππ« π π π¨π¨ π’π¬π€π π±ππππ’π«π’π¬ππ² π π’π§ππ₯π€π ππ¨π«π²πππ₯π€π ππππ«π€π π-πππ ππ πππ π¦πππ πππ₯πππ.
05/12/2025
π Furitaanka Tartanka kubada cagta naadiyada heerka 1aad ee Degmada Balcad - 2025
Balcad β 05 December 2025
π Garoonka Degmada Balcad
FT: Iridoole FC 1οΈβ£ β 0οΈβ£ B. Star FC
Waxaa si rasmi ah maanta loo daah-furay tartanka kubadda cagta ee naadiyada heerka 1-aad ee degmada Balcad, kaasoo sanad kasta lagu qabto garoonka degmada si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada, kor loogu qaado xirfadda ciyaartooyda iyo dhalinyarada.
Munaasabadda furitaanka waxaa goob-joog ka ahaa masβuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Balcad oo ugu h**eeyo Gudoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur, ururrada dhallinyarada iyo taageerayaal aad u farabadan oo ka kala socday xaafadaha degmada.
Kulanka ugu horreeyay ee lagu furay tartanka ayaa dhex maray Iridoole FC iyo Balcad Star FC. Labada kooxood oo si ciyaar adag u soo bandhigay, ayaa ugu dambeyn waxaa guusha ku raacday Iridoole oo 1 β 0 kaga adkaatay B. Star.
Waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay si habsami leh u socon doonaan kulamada kala duwan ee kooxaha ka qeybgalaya tartanka heerka 1-aad ee degmada Balcad.
.
29/11/2025
ISKU-AADKA TARTANKA KUBADDA CAGTA
NAADIYADA HEERKA 1-AAD EE DEGMADA BALCAD β 2025.
Isku aadka Tartanka kubadda cagta ee heerka 1-aad ee Degmada Balcad ayaa si rasmi ah loo shaaciyey xalay iyadoo la soo bandhigay isku-aadka (Group-yada) kooxaha ka qeyb gelaya xilli ciyaareedkan.
Tartankaan uu soo qaban-qaabiyay Xiriirka Kubada Cagta Degmada Balcad, Tartankaan ayaa ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan ee ka dhaca Degmada Balcad, waxa uuna soo jiitaa taageerayaal fara badan maadaama uu yahay madal lagu soo bandhigo kartida iyo hibada ciyaartoyda daβda yar ee Balcad.
Ujeedooyinka iyo muhiimadda tartankaan ayaa ah:
1. Kor u qaadidda isdhexgalka dhalinyarada Degmada Balcad.
2. In la dhiirrigeliyo ciyaartooyda degmada.
3. In la helo ciyaartoy tayo sare leh oo mustaqbalka u gudbi kara kooxaha heerarka sare ee dalka.
4. In la xoojiyo tartanka iyo hibada ciyaareed ee naadiyada deegaanka.
Tartankan ayaa ka dhigan fursad weyn oo lagu kobcinayo ciyaaraha Balcad, laguna soo bandhigi doono ciyaaro adag oo xiiso leh. Kooxaha ayaa diyaar u ah inay taageerayaashooda u soo bandhigaan xilli ciyaareed ka fiican kuwii h**e, waxaana la filayaa in jadwalka kulamada mar dhaw la shaaciyo.
.
Category
Contact the organization
Website
Address
W Balcad
Balcad
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Balcad Community Centre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.